Dr. Abdurahman Baadiyow Profile Banner
Dr. Abdurahman Baadiyow Profile
Dr. Abdurahman Baadiyow

@DrBaadiyow

Followers
52,086
Following
1,418
Media
248
Statuses
3,002

Scholar-Activist & Author | Co-Founder & Chair @MogUniver | Military Officer @SNAForce (1971-86) | MA & PhD @Mcgillu | Sr. Special Advisor, @TheVillaSomalia

Somalia
Joined February 2011
Don't wanna be here? Send us removal request.
Explore trending content on Musk Viewer
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Maanta waxaa isoo wacday gabar Somaaliyeed oo ku nool Bosaaso. Waxey igu tiri 1970 ayaad ifarbartay, abaalkaas ayaan welli ku hayaa! Telfoonkaaga ayaan helay, waxaana kuusoo wacay inaan kuu mahadceliyo. Gabadhaas Caadi ma aha.
132
96
1K
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Ilaahey ayaa mahad leh in maanta Golaha Jaamicadda Muqdisho ay qiimayaan cilmi-baaristii aan ku hawlahaa muddo ka badan 30 sano.Waxaan ku faraxsanahay darajada Professornimada. Arinkaan wuxuu igu sii dhiirigelinayaa inaan sii wado cilmibaarista la xiriirta dalkaynna. Kheyr badan
Tweet media one
186
75
616
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Waa sawirka kaliya oo aan ka helay aniga oo ku labisan dareeska Xogga Dalka. Sawirkaan waa Gaashaanle/Dhexe Cabdiraxman Baadiyow oo la qaaday 1985. Waxaa lagu qaaday Huntisville, Alabama/ USA. Ruuxii haya sawiro kale, fadlan isoo dir.
Tweet media one
80
51
575
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Waxaan marar badan maqlaa eray- bixin cusub ee "Saamileyda siyaasadda" oo koox yar loola jeedo. Waxaa laga tarjumay erayga Ingiriis ah ( stakeholders). Saamileyda siyaasadda dalka waa muwaadiniinta oo dhan, mana aha shirkad ganacsi oo saamigeeda koox yar leedahay. Iska fiiri!!
52
67
405
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Noloshu waxay ibartay in shaqo kasta oo waxtar u leh aadanaha ay muhiimtahay, ruux kastana uu muhiim yahay. Ma jiro ruux aan astaahilin ixtiraam iyo karaameyn. Ma jirto shaqo laga maarmo oo aadana waxtar u leh. Edebta iyo ixtiraamku waa astaanta islaamnimada iyo ilbaxnimada.
25
78
398
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Inta aan isku dhaxqaseynno reernimada iyo dowladnimada, rajo lagama qabo iney dhisanto dowlad Somaliyeed. Reernimadu waa arin bulsho, dowladnimaduna waa arin siyaasadeed. Dowladnimada waxaa sal u ah muwaadinnimo, reernimadana dhalasho iyo dhaqan. Ma kala sooci karnaa?
111
60
391
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Burburka dowladnimadu marka uu raago, waxaa kobca fasaadka, shakiga, beenta iyo boobka. Waxaa yaraada kalsoonida, amaanada iyo hanka. Waxaa lagu mashquulaa khilaafaad hoose, waxaana la iloobaa howlaha hortebinta leh sida dhowridda midnimada iyo walaalnimada.
47
74
382
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Mustaqbalka hanaqaadka dowladnimada Somaliya waxey ku xirantahay Somali heshiis ah. Dowladnimada waxaa naga dumiyay heshiis la'aanta, waxey ka dhismi la'dahay heshiis la'aanta. In Somaalidu heshiiso waa waddada kaliya oo noo furan.
142
46
383
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Aniga aabe Macalim Cabullahi waqti hore. Waa xasuus qaali ah. Ilaahey ha unaxariisto aabe oo dad badan Qur'aanka baray in ka badan 70 sano.
Tweet media one
45
24
368
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Welligaaba salaado badan duko, insiinta iyo khamiista si joogto ah usoon, sanad kasta Xajka aad, habeen iyo maalin qur'aanka aqri, haddii aad degantahay guri aad xaaraan ku dhisatay, huwantahay dhar xaraam lagu geday, Ilaahey waxba kaama aqbalayo. Daal ayaad kororsatay oo kaliyah
52
84
373
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
I will travel tomorrow to Dhusamareeb to finalize the Huurshe/Heraale Community reconciliation. I will distribute donations from FGS to the families of 79 individuals who died during their conflict.
37
53
358
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
9 months
Inna li Allahi waa inna Ilayhi Raajicuun. Hooyaday Saynab Afrax Shadoor ayaa caawa ku geeriyootay isbitaalka Ordogan cumri gaaraya 103 sano. Ilaahey jannadiisa haka waraabiyo. Fadlan usoo duceeya.
Tweet media one
372
32
360
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Goorma ayaan gaaridoonnaa inaan ka gudubno gacan hoorsiga ummadaha kale? 60 sano ayaan mucaawino ku nooleyn. Maxaa sabool naga dhigay? Ma dhulkeynna iyo baddeynna ayaa noogu wacan? Maya!! Saboolnimadu waxey ku jirtaa garaadkeynna, maamulkeynna, akhlaaqdeynna iyo hogaankeynna
71
67
357
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Ikhyaarta sida joogtada ah ugu xiran bartayda tweetarka, waa aqaanna, waa ii xisaabanyihiin, falooyinkooda waa aqriyaa, waa ka jawaabaa su'aalahooda. Waxaad tihiin saaxibo qaalli ah, waxaan rajeenayaa inaan kulmidoono waqtiga Ilaahey qadaro. Kheyr badan ayaan idiin rajeenayaa.
79
13
356
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
6 months
Tweet media one
84
35
354
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
In kasta oo 30 sano ka hor ay burburtay dawladii militeriga, hadana waxaa welli nala socda fikirkii, ficilkii, erayadii iyo dhaqankii dawladnimo ee laga dhaxlay. Meel kasta waxaa lagu arkaa dhaqanka #kalitalisnimada , #Guulwadeenta " iyo xadgudubka #xuquuqdainsaanka .
94
69
343
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Ogaada, waa ku celcelinayaa, kor iyo hoos ayaan usheegayaa, wax aan heshiis lagu aheen kama hirgalayaan dalkaynna. Wixii aan heshiis lagu aheen waxaa ka dhalanaya colaad iyo dagaal. Dalkaynu colaad iyo dagaal waa kasoo daalay. Waa waqtigii nabadda iyo heshiiska. Heshiis! Nabad!
92
64
330
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
War dagaal halaga joogo! War dagaal halaga joogo! Nabad ayaa naas la nuuga leh. Heshiis kaliyah ayaan dowlad ku noqon karnaa, faragrlinta dibadda ku yareyn karnaa! M.Farmaajow ka joog waddada aad ku socoto. Waxaan aheen heshiis iyo walaalow kuma badbaadayo qarankaynu.
75
51
331
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Dadka baraha bulshada waxaan la hubin ku faafinaya waxaan xasuusinayaa in eray kasta oo ay qoraan ka diiwaan gashanyahay Ilaahey agtiis. Ramadaanka dartiis aan joojinno dicaayadaha iyo been-abuurka. "Ruuxii Ilaahey rumeysan iyo maalinta qiyaamaha kheyr ha sheego ama ha aamuso" xs
33
48
298
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Xornimada dalkaynna waa in si sax ah loo fahmo. Aqri qoraalka hoos ku qoran.
Tweet media one
47
50
306
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Waxaa farxad weyn noo ah hadii aan nahay Guddiga Dib-uheshiisiinta Galmudug in lasoo afjaray kala qaybsanaantii Galmudug. Madaxweyne Xaaf wuxuu utanaasulay Galmudug. Waa Ilaahey mahadiis. Madaxweynaha cusub Axmad Qorqoor wuxuu hogaaminayaa Galmudug mideysan. Hambalyo. Hore usoco
18
28
300
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
This is new contribution for the study of Somali Foriegn Policy by Dr. Ibrahim Farah. This book is the first of its kind and hope that new generation of Somali diplomats will find it very useful. Congratulation for Dr. Ibrahim.
Tweet media one
45
59
299
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Hal ruux dilkiisa ayaa gilgilay USA. Waxaa la difaacay xorriyadda iyo xuquuqda muwaadiniita. Dalkeyna waxaa maalin kasta lagu dilaa dad aan waxba galabsan. Waxey noo noqotay caadi. Damiirkii damqo lahaa ma noola oo dareen ma laha. Diin ma aha! dadnimo ma aha ee waa dugaanimo.
55
48
298
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Mogadishu University Teaching Hospital was constructed. Congratulation for the Faculty of Medicine and Health Sciences.
Tweet media one
13
34
286
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Waxaan muuqata in waxey noo sheegaan ama naga sheegaan ajnabigu aan buunbuuninno, runna moodno. Dhanka kale, waxyaabaha aqoonyahaannada ama waxgaradka naga midka ah sheegaana aanan dhigta jalaq loo siin. Taas micnaheedu waa inaan weli maskaxda ka xuroobin oo aan addoon ka nahay.
36
37
290
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Dadkaynna waxaa iskaga milqan dowladnimada iyo madaxda waqtiga. 1991 jabhado doonayay riditaanka Madxweyne Maxamad Siyaad ayaa dumiyay dowladnimadii. Waa in madaxda la mucaaradi karo, dowladnimadana la wada ilaaliyo. Madaxdu waa timaad, waana tagtaa, dowladnimaduna waa waartaa.
93
46
280
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Madaxweyne Mohamed A. Farmajo waxaa lagaa rabaa xal iyo inaad dalka ku hogaamiso doorasho heshiis lagu yahay. Cudurdaar iyo tanaasul ayaan sameeyay, waxba kama tarayaan mas'uuliyadda ku saaran. Waqtiga ka harsan muddo-xileedkaaga isdaba qabo.
58
56
271
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Marka aan arko labiska madaxdeyna waxaad moodaa iney hogaamiyaan dowlad heer sare ah, waxeyna ku muransanyihiin waxyaabo micno weyn lahayn. Ma waxaa dhib leh aan ka heshiino doorasho nawada qancisa? Maba moodid iney madax uyihiin shacab dagaal, abaar iyo saboolnimo halakeysay!
40
53
265
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Wada-hadallada DFS iyo Somaliland waa lama huraan, mana aha in laga hordhaco waxyaabaha kasoo baxaya. Madaxweyne Muse Bixi iyo siyaasiyiinta kale waa ku mahadsanyihiin iney go'aansadeen iney wada-hadal galaan. DFS waxaa ka go'an wada-hadal walaalnimo iyo niyad wanaag.
47
27
262
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Waxaa la yaab leh dadka kasoo horjeeda in DFS iyo Somaliland wada hadlaan. Somaliland 30 sano ictiraaf waa keeni weysay. DFS waa kici la'dahay 20 sano, laga soo bilaabo 2000. Wada-hadallada wixii kasoo baxa aan signo. Madaxda 2da dhinac waa ku heshiiyeen wada-hadalka.
117
17
253
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Waa Aabbe Macalim Cabdullahi oo 74sano ahaa Macalin Qur'aan,kuna geeriyooday 94 sano jir iyo hooyo Saynab Afrax Shadoor oo nool da'deeduna kor udhaaftay 100 sano.Ilaahow unaxasiiso waalidiintaynna, barbaarintooda iyo ducadooda ayaa noolashayna raadaysay.
Tweet media one
Tweet media two
59
15
256
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
5 months
1/Sanadka 2024ta waxaa ka bilawday Geeska Afrika xaalad xasarad iyo cassilooni daro ah: waa heshiiska guracan ee Muse Biixi iyo RW Itoobiya ee bixinta iyo qaadashada dhulka iyo badda Soomaaliyeed.Damaca waallida ah ee Itoobiya waa inaan midnimo uga hortagnaa xukuumad iyo shacab.
48
60
249
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Waxaa nahay isku diin, isku af, isku dhaqan uma keenin Somaalida midnimo, dowladnimo iyo horumar. Ummado kala diin ah, kala af ah, kala dhaqan ah ayaa sameystay dowlado xasiloon, dadku nabad ku noolyihiin oo hurumarsan, waxeyna ku dhisanyihiin muwaadinnimo iyo sareynta sharciga.
56
42
248
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Muddo dheer ka hor ayaan go'aansaday inaan ruux kasta oo dambi igala aan iska cafiyo. Habeen kasta ayaan cafiyaa. Ma rabo in ruuxna ku galo naar aniga dartey. Saaxibada oo dhan waxaan ka codsanayaa iney iscafiyaan bishaan anigana icafiyaan. Ilaahey waa jecelyahay kuwa iscafiya.
30
40
244
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Shirka Jabuuti ka dhacay ee #DFS iyo #Somaliland waxaa kasoo baxay wada-hadalka hala joogteeyo iyo hala fuliyo heshiisyadii hore.Waxaa "kalsooni dhisid" loo sameeyay Somaliland. Shirka soo socda #Somaliland ayaa laga sugaa iney qaaddo tilaabo shacbiga Somaaliyeed uriyaaqaan.
146
34
237
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Waxaan faqiir ka nahay aqoonta maamulka iyo dowladnimada. Waxaa naga khaldan dhaqanka siyaasadda (political culture) oo haddii aan la sixin, marna ayan noo hagaageyn noloshu. Waa dhaqan kasoo horjeeda ilbaxnimada iyo Islaamka. Waa beelnimo, beec, boob iyo daba-dhilifnimo!!!
40
42
230
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
War dagaal halaga joogo! War dagaal halaga joogo! Nabad ayaa naas la nuuga leh. Heshiis ayaan dowlad ku noqon karnaa, faragrlinta dibadda ku yareyn karnaa! M.Farmaajow ka joog waddada aad ku socoto. Waxaan aheen heshiis iyo wa/low kuma badbaadayo qarankaynu. My tweeter 14 April.
44
44
234
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Dagaallada sokeeye waxey bushooyinka ku reebaan kalsooni darro, shaki iyo #akhlaaq xumo. Waxaa yaraada hammiga, mas'uuliyad wadareedka iyo #wadaninnimada . Waxaa lagu mashquulaa sheekada beelaha iyo shakhsiyaadka. Xaalladaasu waa #cudur nafsi ah oo faham iyo daaweyn ubaahan.
44
40
231
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Hambalyo reer Buulabute, waxay bilaabeen isla maanta iney dhisan buundadii shalay la qarxiyay. Waa sida la rabo in lagu howlgalo. Ha loo gurmado oo gacan hala siiyo.
Tweet media one
22
52
225
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Aniga oo ka mid ahaa wafdiga MW Xassan Sheikh ee Garowe booqashada shaqo ku tegay waxaan kusoo qancay 4 arimood oo hortebin u leh Puntland: 1. Biyo. 2. Waddooyin. 3. Arimaha Abaaraha. 4.Heshiis siyaasadeed iyo bulsho. Waxaa kale oo aad uga muuqday isku-tashi wayn iyo dadaal.
53
36
228
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
For those who believe succession as the best option for Somaliland and for those who believe unity as the best option for restoring Somali state, please do not hate each other. Do not hate both flags because flags are just symbols. Think, the best option to resolve this issue.
46
28
222
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Mudug tii hore ma aha! Waxaan la kulmay Gudoomiyaha Guddiga dhisaya Dekadda Garacad. Hawshii wadada isku xirta dekada iyo Galdogobna waa socotaa. Waxaan hore utegay Dekadda Hobyo, dhismaha waddadiina waa socotaa. Mudug Nabad iyo hurumar ayaa ka socda, kaluunna waa laga cunaa.
22
21
219
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Dagaal maya! maya! maya! Doorasho haa! haa! haa! Kiiska Ikram baaris! baaris!
30
29
216
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Dadka waxaa ugu ayaan daran ruux inta sheegta wadaadnimo, daliishada Qur'aanka iyo Axaadiista, Tweetarkiisa iyo FB ku qorta Qur'aan,hadana CBB oo been iyo brobagando ka shaqeeya.Midka ku khayaanna dadka iyo xoolahoodana ku dhaca magaca Ilaahey.Ha noqon, hana ku sirmin oo iska jir
100
38
218
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Muddo kordhinta lagu dhawaaqay ee hay'adaha la doorto ee dalka, waxey wiiqaysaa sharciyadda, midnimada iyo dimoqaradiyadda. Waxaa ka dhalan kara dagaal sokeeye. Inta niyadda san oo aan ogeyn waxa ka dhalan kara tilaabadaas, ha ogaadeen iney waddo khaldan uhorseedeen dalka.
78
50
216
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Madaxda Somaliyeedow khilaafka aan macnaha laheyn ma joojisiinoo! Fariinta shacbigiina ma dhegeysatiinoo! Dhibaatada ka dhalan karta khilaafka ma tixgelisiinoo! Taariikhda wax kama baratiinoo! Ilaahey kama cabsatiinoo! In xisaabta Ilaahey soo socoto ma xasuusatiinoo!!
33
31
208
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Waxaa jira ruux kuu muujinaya taageero oo jabkaaga jecel iyo ruux aad uaragto cadow oo wanaagaaga raba oo runta kuu sheegaya. M.Farmaajow, yaan laguu been guurin oo lagu khayaanin. Hogaami heshiis doorasho!! Jid kasta oo kale waa xiramay. Waa iga talo iyo waano! Ilaahow towfiiq.
61
35
205
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Ma jiraa ruux diyaar u ah oo aqoonteeda leh inuu Afka Somaaliga utarjumo kutubteyda taariikhda ah? Ruuxaasu waa inuu noqdaa ruux jecel afka Somaaliga iyo taariikhda dalkiisa o ayan hogaamineyn aragti gacansi. Fadlan fariin iigu dhaaf halkaan ama email: abdurahmanba @yahoo .com
46
30
202
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
2/2 waxaan umahadcelinayaa MW Xassan Sheikh oo isiiyay kalsoonnidiisa inaan kala taliyo arimaha Dastuurka. Waxaan balanqaadayaa inaan hawshaas is fufan uga shaqeeyo. Waxaan ku kalsoonahay inaan waqti gaaban kusoo afjaridoonno qodobada heshiis siyaasadeedka ubaahan ee Dastuurka.
54
23
205
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Goobtaan banaan waa meeshii laga dumiyay teendhadii lagu qabtay shirka dib-udhiska Dowladda Somaliyeed ee Carta, Jabuuti 2000. Waa meel astaan joogta ah iney noqoto la rabo oo marxaf laga sameeyo. Waxaan ku mahadsan MW. Ismacil O.Gelle iyo reer Jabuuti.
Tweet media one
25
16
202
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Waxaan ku faraxsanahay inaan xalay kula hadlo ZOOMKA dhallinyaro gaaraya 500-600. Waxaa qabanqaabiyay Naadiga Aqriska ee Murti- doon. Doodahoodu waxey iimuujiyeen garaad soo kobcaya iyo isbedel ifaya oo soo socda. Waa loo guuraa fikirka iyo dhaqanka dowladnimada dhisaya.
21
15
191
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Waxaa isqaban la' sida dadkaynu udukadaan salaadaha, usoomaan, qur'aanka uaqriyaan; iyo dhaqan-xumada laaluushka, beenta, khiyaannada, eexda, xanta, xaqiraadda, burburka qoyka IWM. Maxaa naga khaldan? Ma idinla tahay in sidaas lagu badbaadayo?
69
21
192
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
1/2 Saaxibayaal, la-taliye mas'uuliyad hawl lagu fuliyo ma aha. La-taliye wuxuu dhiibaa talooyin aqoon iyo waayo-aragnimo ku dhisan. Madaxda uu la-taliyo waa ka yeeshaa talada ama waa ka diidaa. Waayo-aragnimo ayaan uleeyahay hawshaas oo waxaana hore ula soo shaqeeyay RW. Kheire.
38
22
195
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Caawa waa habeen walwel badan oo khilaafkii doorashada la xiriiray uu xoogeystay, aragtiyadiina sii kala fogaadeen. Waxaan xasuusinayaa dhinacyada is-haya inaan shacbiga Somaaliyeed ka aqbaleyn iney dalka qalalaaso uhorseedaan. Heshiis iyo midnimo ayaa dawo noo ah.
37
33
189
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Ilaahey waa naxariis badanyahay, ciqaabtiisuna waa culustahay. Dadka qaar ciqaabta wuxuu ku bilaabaa inta ay noolyihiin, kuwa kalana wuxuu la sugaa aakhirada. Waxaan ku jirnaa 10 dambe ee bisha Ramadaanka. Ilaahow ha noo ciqaabiin waxyaabaha ay sameynayaan wax magaratadeynu!!
22
20
192
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Moxamed Macalin oo maanta difaacay Teesihii Majesteerka (MA) ee Xirrirka Caalamka ( international relations). Wuxuu ku saabsanaa qoraalkiisu "Siyaasadda USA ee Somaaliya Dagaalkii Qabooba markii uu dhamaaday". Hambalyo Moxamed iyo qoyskiisa oo sawirka ka muuqda.
Tweet media one
20
9
193
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Waxaan ku qancay in dadka baraha bulshada ku jira intooda badan ayan wax aqrin ama fahmin. Waxaan ka gartay fal-celintooda qoraallada la soo dhigo baraha bulshada. Waa "kala-maan" iyo "iska-hadal". Fadlan aqri oo faham inta aadan fal-celin. Eray kasta oo aad qorto waa mas'uuliyad
41
18
187
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Waxaan usafrayaa maanta IA Dhuusamareeb oo noqotay hoyga nabadda iyo wada-hadalka madaxda DFS iyo Dowlad-goboleedyada. Xasuus gaar ah ayeey igu leedahay Galmudug oo Ilaahey igu sharfay inaan hogaamiyo dib-uheshiinteedi. Aan ugu duceyno in Ilaahey fududeeyo heshiis wadar-ogol ah.
27
17
187
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Casharka taariikhda: M.M.Siyad iyo M.Mingisto ayaa ku heshiiyay Jabuuti 1988 markii ay ku biyo-keeneen Jabhadihii hubeysnaa. Mid kasta wuxuu diidana inuu la heshiiyo dadkiisa. 2ba waxaa riday Jabhadihii. Hogaamiyihii dadkiisa la heshiin waaya, haku cibro qaato casharka taariikhda
53
47
186
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Nabadu waa lama huraan. Dagaal sokeeye waa dambi iyo doqonimo. Waxey ku habooneed in la heshiiyo inta aan dhiiga la daadin, dadkana la barakicin. Si kastaba, waa soo dhaweynayaa go'aanka Galmudug, Hirshabelle iyo RW Roble oo soo daahay. MUQDISHEEY nabad ku soom. No more fighting!
13
28
183
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Hadallada USA "Ruuxii caqabad ku noqda doorashada, cunaqabateen ayaan kusoo rogaynaa" iyo heshiiska GWQ ee ah "ha lagu xoojiyo AMISOM ilaalada Villa Somaliya" waxey tusaale utahay, tala-xumadayna heerka ay gaartay. Waa "tasho waydaye waa laguu talin". Aad ayaan uga xumahay!!
34
25
180
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Hambalyo Cabdullahi Axmed Macalim oo loo doortay Golaha Deegaanka magaalada TORINO,Italy. Cabdullahi waa wiil aan adeer u ahay oo qaxootinimo ku tegay dalka Talyaaniga. Ilaahey ha dhawro, 2diisa dal (Somaliya iyo Talyaaniga) iyo dadkiisana haku anfaco.
Tweet media one
22
24
180
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
In Jabuuti lagu tilmaamo cadow waa jisaarnimo iyo habowsanaan. Rageyni joogay heshiisi Carta 2000 aad ayaan uga xunnahay erayadaas. Reer Jabuuti xaal ha qaateen, gaar ahaan M. Ismaciil C. Geelle. Somalidu ma ilaabayaan meesha aad ka keenteen dowlladdooda 20 sano ka hor.
81
41
176
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Floods are because of climate change that most of us are not conscious about it. We still cut and burn our trees, throw plastics everywhere, less care our rivers and ocean and waterways inside our cities are blocked for building pourpose. Climate awareness is required.
20
41
174
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Doorta Prof. Cabdi Samatar! Doorta midnimada, aqoonta iyo waddaniyadda!! Doorta sharafta iyo hurumarka!!
26
14
175
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
"Somali Hehiis ah, Dunidana Heshiis la ah" waa bilaabatay. Caleemo-saarka MW Xassan ee maanta ayeey ka muuqataa. Below barako.
36
20
175
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
11 days
Dawladaha dimoqaraadiga ah oo horumarka ka gaaray nabadalyada iyo dhaqaalaha waxay ku dhisanyihiin: 1. Muwaadiniin usiman xuquuqda iyo waajibaadka. ( citizens). 2. Sarraynta sharciga ( supremacy of law) 3. Madax lagu soo doorto si xor ah oo xalaal ah (elected leaders).
72
45
178
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
5 months
In kasta oo waxgarad badan ee Itoobiyaan ah, Oromo,Amhara,Tegree iyo bulshada caalamku kasoo horjeesteen heshiiska Abiy iyo Biixi,hadana waa muuqataa in 2daas oday ku indha adagyihiin heshiiska. Soomaalidu uma tabardara sida la moodayo waana difaacayan dalkooda.Yaan lagu sirmin.
34
26
174
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Doorashada prof. Samatar dad badan ayaa aad ugu farxay, dad kalena aad ayeey uga naxeen. Anigu waxaan ka mid ahay kuwaa aad ugu farxay. Waxaan leeyahay hambalyo prof Samatar. Midnimo iyo aqoon ayaa adkaatay. Ilaahey towfiiqda hana waafajiyo.
35
17
175
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Si loo kobciyo #sharaftaiyokaraamada ummadeyna waa in la qoraa, lana soo bandhigaa taariikhda dadka wanaagga ka shaqeeyay si ay tusaale ugu noqonayaan jiilasha kala dambeeya. Dadkaas waa hooyooyin, macalimiin, culumo, aqoonyahaanno, abwaanno, siyaasiyiin, sama-falayaal Iwm.
31
26
172
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Waxaan saadaalinayaa in Jimcaha soo socota ka hor laga heshiin doono arimaha doorashada, lagana maarmidoono mudaaharaadka Xamar. Dhallinyarada xiiqsan oo baraha bulshada war-xumada la taagan wajiga biyo ha marsadaan. Waddo aan heshis aheyn ma furna. Af-xumo meel laguma gaaro.
41
25
169
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Ma rabtaa in dalkayna ka badbaado faragelin shisheeye? Ma rabtaa dhowrista madaxbanaanida iyo karaamada dadkayna? Ma tahay waddani dhaba? Maanta ayaa Somaliya hiil kaaga baahantahy. Waa inaan wadajir dhahnaa: DOORASHO HESHIIS LAGU YAHAY AYAAN RABNAA! AYAAN RABNAA!!
49
27
170
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Iscasilaadda PM #Xassankheyre waa go'aan muhiim ah oo muujinaya inuu udaneeyay xassiloonnidda siyaasadda dalka. Waa bogaadinayaa go'aankiisa geessinimada leh. Xilku waa meerto, waxaana lagama maarmaan ah in la qabto doorasho heshiis lagu yahay oo wada-tashi iyo wadar-ogol ah.
20
25
172
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Waxaa faham-xumo ah in idaacadaha iyo TV Somaaliyeed isticmaalaan erayada " Islaamiyiinta iyo Asal-raac" iwm ayaga oo ka hadlaaya kooxaha seef-laboodka ah iyo argagixisada. In lala xiriiriyo Islaamka kooxahaas sax ma aha. Magaca Islaamka ha siin kuwa kuwa sida khaldan u adeegsada
24
27
170
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Qaran-burburka iyo culeyka saaran dib-usoo celinta dowladnimada waa inaan eedeeda qaadanna oo aan loo saarin ummado kale. Sidaas waxaa qaba #Quraanka : "Qul huwa min cindi anfusikum". Ummadaha kale wax wayn nooma dhimi karaan haddi aan heshiis nahay oo isku duubantahay.
35
33
171
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Dadka qaar ma ogola 1P1V oo aan dantooda siyaasadeed ama beeleed kama arkaan. Kuwa kale, 1P1V waxey u arkaan xukun kororsi. Sidoo kale, nidaamka doorasha ku haboon dalka waa la isku khilaafsanyahay. Lkn, in la wada-hadlo, wax lagu heshiiyo ayaa muhiim ah. CIID MUBARAK.
26
16
170
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Dagaallada sokeeye iyo dowlad la'aan raagta waxaa laga dhaxlaa akhlaaq xumo. Waxaa soo baxa kuwa xaaraanta xalaashada. Kuwa magaca diinta wax ku dila. Waxaa isku milma runta iyo beenta, saxda iyo khaladka. Wax-garadnimada ayaa yaraata, jaha-wareerkuna waa bata. Talo iyo towfiiq.
39
26
169
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Waxaan darsaa qoraallada iyo hadallada baraha bulshada lagu qoro si aan ufahmo aragtiyada dadkeyna. Waxaa jira isbedel fiican iyo biseyl bilaw ah ee isqadarinta iyo is-ixtiraamka. Waxaase weli harsan aragtiyo qabiileysan, kali-talisnimo, iyo anaaniyad.
21
24
169
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
In ra'yi la isku khilaafo ceeb ma aha. In la mudaaharaado waa xaq dastuuri ah. In xabad la isla-dhaco, waa dambi. In khaladkii dhaca laga garaabo waa dhaqanka dadkeyna. In madaxda Somaalidu kala-maan noqdaan waa musiibo. Waa inaan diidna dagaal!! Waa inaan horseednaa nabad!!
19
26
162
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Heshiiska laga gaaray mideynta ciidamada si loo sugo amniga caasimadda iyo doorashada waa arin farxad leh. Waxaan Hambalyo mudan gudiga sida degdegta ah uga shaqeeyay iyo RW Roble. Waa bilow barako. Waa inaan Ilaahey ka barinaa heshiis siyaasadeed wadar-ogol ah shirka 20 bisha.
23
35
167
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Congratulation to my friend Dr. Ali Fiqhi, the new speaker of South-West state of Somalia. He is the second PhD holder elected for this position in the regional states. Before him, Dr. Mohamed Nur Ga'al was elected to the position of speaker of Galmudug.
Tweet media one
17
21
164
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
90 Milyan oo dollar ayaa dadka deegaanka Galmudug kasoo jeeda balanqaadeen iney ku maalgeliyaan dekadda Hobyo. Haddii hawshaas sida la sheegay looga dhabeeyo, waa arin ku dayasho mudan. Waa fikirka madaxweyne Qorqoor iyo yaan loo kala harin dhismaha Galmudug.
22
17
157
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Afarta dhaqan-siyaasadeed ee siyaasiyiinta Somaliyeed: 1. Siyaaso qabiileysan. 2. Siyaaso qanacsiyeesan sidii badeeco suuq taalla. 3. Siyaaso la kala boobayo, ruux kasta tabartiis. 4. Ku tiirsanaanta dowlado ajnabi ah. 4taas ayey ka dhismi la'dahay dowladnimadu,waa inaan bedelna
14
32
165
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Khudbada M. Farmajo waxey bilow utahay in lagu heshiiyo doorasho. Waxaan urajeenayaa PM. Roble inuu jidka doorasho wadar-ogol ah hogaamiyo, kalsoonida soo celiyo, ciidamada mideeyo, nabadda hirgeliyo, shakiga iyo shuushka bixiyo. M.Farmajo haka dhabeeyo hadalkiisa si loo rumeeyo.
35
29
165
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
8 months
Ruuxii raba inuu fahmo dhaqan siyaasadeedka siyaasiyiinta Soomaaliyeed ha aqristo kitaabkaan oo ku fara-yaraystay M. I. Turunji. Odaynimada,sharci-ku-yuurarka, danaysi la'aanta, dal jacaylka MW. Adan Cabdulle ayaa badbaadisay qarannimada Sommaliyeed ee curdanka ah ilaa 1967, IKS.
Tweet media one
18
32
165
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Ruux kasta wuxuu kasbado ayuu la hor imaanayaa Ilaahey. Jisadeeda wuxuu ku helayaa aduunyada ama aakhirada. Ka fiirso hadalkaaga, qoraalkaaga iyo ficilkaaga oo xasuusnow iney diiwaanka Ilaahey kugu qoranyihiin oo laguugu xisaabinayo.
17
15
162
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Anigoo ka maqnaa 75 maalmood Muqdisho, maanta ayaan kusoo noqday. Waxaan iimuuqata siyaasad kacsan, olole doorasho iyo far isku fiiqfiiq aan xad laheyn. Sida aan ka bartay siyaasiyiinta, isriix riix iyo buulo-xoofteyn ka dib, waxey ku dhamaaneysaa IA heshiis. Towfiiq iyo kheyr.
16
12
162
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Maymuum Biyooy waxey aheed qof xikmad badan oo reer Jowhar ah. Xikmadaheeda waxaa ka mid ah: haddaad duul musiibaa maslaxeey tiraa; midka mawdku haayaan maaro loo helayn. War fitno kiciska iyo xaalad abuurka hala joojiyo !!! dadkaaga iyo dalkaaga nabadiisa ha uga sii darin.
26
32
160
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Haddii gabar aad guursato, hawsha lagaa rabo waa inaad gudataa. Haddii kale, muddo yar ka dib, waxaa gabadhu reerkeeda ku leedahay " ninkaanu ha idhaqo, ama ha idhigo". Haddii 2 mid lagaa waayo, maxkamad ayaa ku sugeysa iyo fasakh. Waa sidaas madaxnimadu. No justifications.
37
26
159
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Qaanuun aan isbedelin: haddii madaxdu kali-talis noqdaan, waxey adeegsadaan xoog iyo been masheegayaal sacbiya. Mucaaradku waxey abaabulaan reerahooda, dagaalna waa kala horyimaadaan. Reerihi ayaa kala qaybsama, qarankii ayaa sidaas ku duma. Waa Casharlii 1991, wax halaga barto.
25
22
158
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Wararka kasoo baxayaa Baidoa waxey sheegayaan in wax kasta laga heshiiyay iyo doorasho wadar-ogol ah ay dhaceyso. Ilaahey ayaa mahad leh, saadaasheydii waa rumowday. Fadlan joojiya dagaalka fadhi ku dirirka ee baraha bulshada oo haloo hambalyeeyo madaxda ugu dambeyntii heshiisay.
27
18
153
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Ruuxii magaca Ilaahey dadka ku khiyaanna sida ruux lagu aaminay inuu wadaad yahay, ruuxi Qur'aanka ku dhaartay inuu dadka u cadaalad falayo oo hadana ka shaqeeya eex, qaraabo-kiil iyo sharci jebin, ha ogaadeen waxaa la diriraya Illah, dhawaan ama dheeraan.
12
36
160
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
1 year
Waxaan kula kulmay Jigjiga General Siyad Daauud Guudaal oo ahaa taliyahaygii Ciidanka Difaaca Cirka oo ay isku kayn dambaysay 1985. Waxay aheed xasuus iyo farxad aan la qiyaasi karin.
Tweet media one
30
18
153
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Maxaan waqti ku dhuminnay waxaan waxba noo tareyn!! Maxaan buunbuuninay hadal aan la hubin!!. Maxaan u hanqal taagnay wax aanan xaq lahayn!! Ilaahow ummadeynna tusi jidka saxda ah adigaa yuwaade.
23
19
154
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
The most important point in the Dhuusamareeb3 agreement is that 1p1v is not possible now. Thus, indirect model of selection/election which is more advanced than the one conducted in 2016 must be conducted. The rest of the detailed points are negotiable. This is one step forward.
14
17
154
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Waxaan kaso shaqayay musaalaxada Somaalida 25 sano. Waxaan ka bartay in khilaaf iyo dagaal kasta ku dhamaado heshiis marka la isku daalo iyo ineysan suurtagal aheen in la kala adkaado. Waddada kaliya oo noo furan waa wada-hadal iyo heshiis. Is-jikaar iyo is-dacweyn Maya!! Maya!!
21
24
151
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Waxaa muuqata in heshiis laga gaarayo arimaha #doorashada 2020/2021. Isla-meeraysigii bilihii la soo dhaafay iyo murannadii siyaasadeed waxey umuuqdaan kuwa lasoo afjaraayo. Haddii la wada hadlo waa la heshiinayaa IA. #Towfiiqda iyo talada-toosan Ilaahow na waafaji.
21
18
153
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
3 years
Aniga oo ah gudoomiyahay Golaha Sare ee Jaamicadda Muqdisho ( Boorka), waxaa farxad ii ah inaan ka qaybgalay xafladda qalinjebinta ku dhawaad 800 aday oo ah dufcadii 21aad ee ka baxda Jaamicadda Muqdishu. Hambalyo ardayda, waalidka iyo dhamaan maamulka jaamicadda.
Tweet media one
10
16
150
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
4 years
Ruux kasta oo Somaali ah waxaa la gudboon inuu fahmo in #wadajir , #wadatashi , #wadawahadal , #wadanoolaasho iyo #wadashaqayn oo kaliyah aan ku guuleysan karno, dowladna ku noqon karno. Waa inaan ka guurnaa #aniani oo ah anaa iri, anaa raba, anaa jecel iyo aney igu fiicantahay.
29
32
150
@DrBaadiyow
Dr. Abdurahman Baadiyow
2 years
Waxgaradka Somaliyeed waxaa laga rabaa iney ka jawaabaan su'aalaha soo socda inta calaacalka iska daayaan. 1.Dowladee rabtaan, mid lagu qaybsado beel mise doorasho 1q1c? 2.Sidee ku helaysaan? 3.Doorkaagu maxuu yahay? Isbedel ma rumaysantahay?Sheeko! Sheeko mayya!! Ficil fadaanee!
48
19
152