Enjoying a great English summer afternoon with two of my three daughters and son in West London. From right: Salma YG, a brilliant Law student; YG, an old man; Yasmin, much loved science teacher at Secondary School and the creative Skinny Mo, a software Engineer.
#Somalia
Laba shaqo oo dad badan oo aan waxbaran ay ku yaacaan waa siyaasadda iyo saxaafadda siiba TV iyo Radio. Sababta oo ah waxay moodaan in labaduba ay hadal uun yihiin ayaguna ay hadli karaan.
#Somalia
Ma aqaan si aan isugu qanciyo in ay sax tahay marka aan maqlo ciidammo Soomaaliyeed oo Xamar dayaarado looga qaaday ee la geeyay Gedo iyo Galguduud si ay uga howolgalaan, marka aan ogahay in aan si xor ah loo mari karin waddada Muqdisho ku xirta Afgooye iyo tan Balcad.
#Somalia
I met Somali Professors tonight in Mogadishu. From right: Abdi Samatar, Mahadalle, Abdi Siad, YG, Xiireey and Kusow. Every one of them teaches in one or more Universities in
#Somalia
, USA, South Africa and Australia.
Dhalashada Mareykan ee uu noo sheegay inuu ka tanaasulay, waaxaan ka faa'iidnay inuu Madaxweynuhu markii ugu horreysay danaha Soomaaliya ugu doodo shirka Golaha Guud ee Q. M. iyo shir doceedyada muhiimka ah ee New York isaga oo kolleey Baasabboor Soomaaliyeed ku socda.
#Somalia
Siyaaasi kasta oo sheega in
#Somalia
ay 2020 qaban doonto doorasho xor iyo xalaal ah, qof iyo cod ah, oo muwaaddin kastaa uu degaankiisa cod ka dhiibto, waa ku u gefaya garaadka shacabka. Ama ka darane, waa mid maldahaya dan gurracan oo aanuu karin in uu dadweynaha u fasiro.
Dacwada Badda oo ka dhacaysa Hague toddobaadka dambe waa mid u dhexeysa
#Somalia
iyo Kenya. Aan sidaa u aragno. Dowladdii hore ayaa billowday, tanina halkii ayay ka sii waddaa. Dowladda iyo Axsaabta Mucaaradka yaan midkoodna isku dayin inuu kan kale dhibco siyaasadeed uga helo.
Allow iga jooji fulinta fal kasta oo aanan ogeyn in ay natiijadiisu lid ku tahay danta Soomaaliya. Xaggeyga waa ballan in aanan fulin fal aan ogahay in ay natiijadiisu lid ku tahay danta aan ogahay ee Soomaaliya.
#Somalia
Thank you
@ragehomaar
for taking time with my students of Journalism at the Somali National University. Your insightful remarks and words of encouragement are much appreciated.
#Mogadishu
#Somalia
#BBC
Qurbo-joogta jecel ee sugeya inta dalku hagaagayow 2 su’aalood iga hooya. Haddii aanad adigu hagaajin, yaa kuu hagaajinaya dalka? Cimrigaaga ma aqaan lkn ma hubtaa in marka
#Somalia
la hagaajiyo aad adigu nooshahay ood ku intifaaci doonto?
Dan ma qabsoonto aan dan kale loo deyn.
Maxaa loola jeedaa "Dhulka Soomaalidu ay degto?"
Dhib kuma qabo haddii laga hadlayo xaafadaha Soomaalidu ay u badan tahay ee dalal ay Soomaalidu u tagtay in ay ka xoogsato ama ay u qaxday. Geeska Afrika marka laga hadlayo waxaa ku habboon "dhulka Soomaalida".
#Somalia
Tallaabooyinka ay qaadeen Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee
#Somalia
ee ku wajahan isu soo dhoweynta iyo wax wadaqabsiga shucuubta Geeska Afrika
#Djibouti
#Eritrea
#Ethiopia
iyo
#Somalia
waxay mudan yihiin bogaadin iyo in lagu garab istaago.
Isla maalin ayuu Shabaab
#Muqdisho
&
#Boosaaso
oo isu jira ku dhowaad 1400 Km uu midba weerar ka geystay. Ha lala yimaado ku-dhac lagula heshiiyo
#Shabaab
ama ha la iska dhiciyo. 2da midna ma arko. Wixii u dhexeeyaa waa xasuuq Shacab oo aayar aayar ah lana joogteeyay.
#Somalia
Saaxiibkeey Siidow, oo aan ka wada tirsaneyn Ururka Shanaad markii aan ku wada jirnay Dugsiga Tababbarka Militeriga ee Xalane 1981, ayaan hadda Muqdisho dib isagu aragnay. Sawirka labaad waa Unugga aan ka tirsanaa ee Horinteyda. Unug waa sagaal askari.
#Somalia
#Ethiopia
should respect the soveriegnity and territorial integrity of neighbouring countries. The only way to secure access to the sea is through bileteral negotiations. Better refrain illegal attempts that could only undermine stability of the Horn of Africa and Red Sea region.
Dowladdu haddii ay dooneyso in siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan qabanqaabadeeda doorashada 2020, waa in ay wax ka beddeshaa sida ay ula dhaqmeyso murashixiinta, siyaasiyiinta iyo shacabka Koofur Galbeed.
#Somalia
Laba maalmood ayaan la qaatay ku dhowaad 20 dhallinyaro ah. Waxaan siiyay tababbar ku saabsan saxaafadda bulshada. Waxay ahaayeen dhallinyaro laacibiin ku ah saxaafadda bulshada aniga naftedyuna wax badan ayaan ka kororsaday.
#Somalia
Walaalheyga Soomaaliyeed ee Kenya iyo Ethiopia lama lihi dalkooda. Laakiin
#Somalia
waa dal qaatay siyaasadda ah in Soomaali ay wada leedahay. Waa sababta ay siyaasadda Soomaaliya ay qeyb uga yihiin Soomaali asalakoodu ka soo jeedo gobol kasta oo Soomaaliyeed oo Geeska Afrika ah.
I welcome Ethiopia for removing from an Official Gov site a map that annexed most of
#Somalia
to
#Ethiopia
. Statement described the map “wrong & unacceptable”. Indeed. However, it fell short to explain why the map was drawn in the first place & how it ended up on an official site
Siyaasiyiin waxaan arkay ah Xil-doon raba in uu xil hayo uun ra'yi u wehliyaana aanuu jirin iskuna deyeyn in uu wax soo kordhiyo. Xoolo-doon aan dhergin, xishoonna. Xaq-doon mar kasta ismooda dulmane oo xigaaladiisa uun wax la goobaya. Iyo Xal-Doon intaa ku dhex lunsan.
#Somalia
Dayaarad shalay iga qaadday Xamar, waxay ficil ku beenisay wax kasta oo ay qoraal iigu sheegtay. Kursiga aan fariisanayo, xilliga ay kacayso, muddada ay hawada ku jiri doonto iyo goorta ay degeyso. Wax raalli gelin ahna kama bixin. Waa dayaaradda kici lahayd 10-ka.
#Somalia
Mas’uul wax aan wanaagsaneyn ka sheega
#Somalia
in aan u jawaabno waxaa ka muhiimsan in aan dalkeenna wax wanaagsan u qabanno oo wax uun aan ku biirinno horumarkiisa. Haddii aynaan taa karin, ugu yaraan waa in aan ka fiirsanno kana dhowrsanno wax kasta oo waxyeeli kara
#Somalia
.
Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho waa madal ay dhallinyaradu isku barato, ku abaabul barato, ku barato soo hor istaagidda bulshada, ka hesho aqoon, ku dhalisa aragti, kuna dhiirri gelisa curin iyo hal abuur. Hambalyo qabanqaabiyayaasha iyo ka qeybgalayaasha.
#MBF2019
#Somalia
Marka aad wax qorto inta aanad daabicin is weydii 2 su’aalood: Ma iri wixii aan rabay in aan iraahdo oo dhan? Waxa aan iri oo dhan ma yihiin wixii aan rabay in aan iraahdo? Haddii 2da su’aalood ama middood ay jawaabtu noqoto maya, dib ugu noqo qoraalkaaga oo sax.
#Somalia
Ma u fiirsatay ereyga Ingiriiska ah ee “I” af Soomaali wuxuu ku yahay “Aniga”. Waa yeele.
Marka uu yahay la yeele, af Ingiriis waa “me”, Soomaalina waa “i”.
Tusaale: I sii. I daa. I maqal. Iga tag = I + ka tag.
#KobciSoomaaligaaga
#Somalia
Si kasta oo siyaasad loogu kala ra’yi duwan yahay, mas’uul iyo muwaaddin kasta, mar kasta waa ku waajib in uu ka dhowrsado dhiirri-gelinta iyo siyaasad-u-adeegsiga rasaas iyo aalad kasta oo sababi karta dhimasho ama dhaawac.
#Somalia
Saddex Madaxweyne oo hore oo sheekeystay, kuma heshiin karaan wax dadka iyo dalka Soomaaliyeed u daran.
Ma aha in la shareysto ee waa in la soo dhoweeyo ama ugu yaraan laga gaabsado.
#Somalia
Madaxweyne Xaaf in uu GalMudug u raro Dhuusa Marreeb & inuu u tanaasulo Ahlu Sunna oo uu u abuuro jago aan ka jirin Dowlad-Goboleed kale waa wax isaga taariikhda u galay. Dadka Dhuusa Marreeb & Ahlu Sunna sida ay taas uga falceliyaan waa wax ayaga taariikhda u geli doona,
#Somala
Sheeko nin ii sheegay: Libaax dabin ku dhacay ayaa la damcay in la dilo. Qori ay 1 xabbadi ku jirto ayaa laga helay tuulada. Nin baa xabbaddii riday waxayse goysay silsiladdii libaaxu lugta la galay! Libaaxii wuxuu ku soo baxsaday tuulada. Ma taqaan waxa i xusuusiyay?
#Somali
Shacabka Xamar waxay u dhexeeyaan Federaal canshuur uun ka qaada waddooyinkana ka xira iyo qarax aan joogsi aqoon dibna aan la isu weydiin. Siyaasiyiintii dejin lahayd iyagaa kacsan. Sida intuba isula falgali lama oga. Waa tijaabo aan la aqoon wax ka soo bixi doona.
#Somalia
Oow hory way iddis kitaaly Muqdishow ky booqadey Madawiinagy KoonfurGalbeed Md. Abdiasiis Laftagareen.
Madawiinagy safar shagi ing kooyi Aasimaddy, kulungkayny way haayey salaang iyoonay is warsy widaaynimy, maadaama unny middo iskuly tirsanaayni Gola Wasiirre.
#Somalia
Caasimadda iyo
#Somalia
oo dhan waxay saami xaq ku saleysan helayaan marka ay kuraastu ka baxdo u garasho ee lagu saleeyo tirokoob degaan. Taas aan ka dhabeyno. Inta la gaarayo, Sugitaankeeda ha lagu daro dulqaad.
Khalkhal gelinta safarka Madaxweynayaashii hore, oo xataa bedqabkooda saameyn karay, waa faduul aan la qaadan karin. Waanse ka digayaa isku day kasta oo amniga caasimadda uga sii dari kara. Dowladduna waa in ay ka qaangaarto waxa hadda u muuqda daandaansiga.
#Somalia
Qarammada Midoobay waa annaga. Yaan cadow laa arkin. Wixii muran maamul ah ee Dowladdeenna iyo Qarammada Midoobay u dhexeeya aan u rajeyno in ay ku dhammaadaan is-afgarad dan u ah Soomaaliya iyada oo la xeeranayo marxaladda aan maanta ku jiro.
#Somalia
Qofka ay ka go'an tahay in uu ka qeyb qaato in ay hanaqaaddo Dowladnimada
#Somalia
, ha ogaado waxaa loo baahan yahay dadaal u dhigma ama ka badan midka ay geliyeen dadkii dalka burburiyay iyo kuwa weli u heellan in aanay u shaqeyn ee ay ka shaqeystaan dalka.
Shiikh waxaan u aqaan nabaddoon dadka isku wada. Ummadda isu soo dhoweeya ee aan isagu kala geyn. Fidno aan sii hurin ee demiya, mid hor lehna aan curin. Marka uu khalad saxayo, aan mid ka weyn gelin. Xaqdhowra Aadanaha. Ka dhowrsan mala'awaal, ku talaxtag & ku jiqsiin.
#Somalia
Madaxweyne Siyaad oo shil galay ayaa loo qaaday Isbitaal Sucuudiga ah. Warbaahinta Qaranka oo ka dhigaysay in xaalkiisu caadi yahay ayay BBC wareysatay Wasiir la socday Madaxweynaha. Markii la weydiiyay in uu wax cuni karo wuxuu ku jawaabay “Maanta ayuu caano cabbay”.
#Somalia
After testing positive for Covid-19 without showing any of its symptoms then & since & after 13 days of self-Isolation in a hotel room in The Hague, I’ve been cleared 2day 2 come out of for the first time. What a relief!
I hope I’ll be back to
#Mogadishu
#Somalia
within few days.
Sharaf ayay ii ahayd in maanta aan wadaqadeynay Wasiirro hore oo aan soo wadashaqeynay. Ka billow bidix: Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, Cabdi Faarax Juxa, Dr. Maryan Qaasim, YG iyo Cabdiraxman M. C. Xaashi. Waxaan ka sheekeysannay tagto iyo timaaddo.
#Somalia
Gaariga Gaashaaman ee lalinta waxaa lahaa Waaxda Idaacadaha Soomaaliyeed. Waa Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa. Muuqaalkiisu caan ayuu ka ahaa fagaarayaasha waaweyn ee la isugu yimaado munaasabad siyaasadeed, mid bulsho, kuwa Sportiga iyo marka uu marayo waddooyinka
#Somalia
Saaxiibbadeey saxaafadda bulshadu jawaabaha ay ka bixiyaan qoraalladeyda marka aan eegayo, waxaan marka hore akhriyaa jawaabta si anigoo moog qoraha aan nuxurkeeda oon maskaxdeydu barxin u fahmo. Ka dib baan magaca eegaa. Isku day si aad dadka qaar ugu barato si hor leh.
#Somalia